Al-Shabab , Walaalaha
Raaskambooni, iyo kooxd ka madax banaan
Asmara iyo jabuuti oo isku dhaarsaday in
Dagaalo Xoogan Muqdisho laga bilaabo
10/11/2008
- Kadib shir jaraa’id oo uu qabtay
Max’ed Aadan Koofi oo u hadlay dhinacyadaan
sheegay in ay midoobayaan ayaa waxaa uu
sheegay in laga bilaabo maanta ay
midoobayaan midowga Maxkamadaha ee ka madax
Banaan isbahaysiga,Ururka Al Shabaab iyo
Mucaskarka Raasgaanbooni oo dhamaantood ka
mid ah xoogaga ka dagaalama gudaha dalka
Soomaaliya kuna midoobeen dagaal aan dhamaad
lahayn .
koofi ayaa sheegay in dhinacyadaani ay isku
dharsadeebn in ay laba laabaan Dagaalada
maalmaha soo socda , waxaana uu sheegaty
goordhow ay yeelan doonaan hal magac
islamarkaana ay soo afjarmi doonaan
magacyada ah haatan kala wataan oo ay
jihaadka halmeel ugu soo wada jeesan doonaan
sida uu hadalka u dhigay.
si kastaba Hadalkan ka soo yeeray Max’ed
Aadan Koofi ayaa ku soo aadaya xili qaar ka
mid ah dhinacayada Ururka Al Shabaab iyo
Maxkamadaha kuwa ka madax banaan isbahaysiga
ay maanta weeraro dhowr ah ku qaadeen
fariisimo ciidamada dowlada iyo kuwa
Shisheeye ay ku leeyihiin degmooyinka Hodon
iyo Wardhiiglay,waxana uu sidoo kale ku soo
aadayaa xili ay si weyn ugu soo horjeesteen
heshiiskii dowlada KMG iyo isbahaysiga dib u
xoraynta garabka Jabuuti.
Dhinaca kale waxaa muuqata in is xulufysi
hor leh uu ka dhex bilaabanayo Islaamiyiinta
Somalia taas oo ceel ku sii rideysa Rajadii
ahayd in Nabad la helaa.