|
10/11/2008
- Afhayeenka ciidamada Milateriga
Dowladda KMG ah Daahir Maxamed Calasow (Daahir
Dheere) ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay
Isgoyska Florensa ay ku qabteen ciidamo ka
mid ah ilaalada suuqa Bakaaraha, isagoona
sheegay in askarta ay qabteen ay la
dagaalamayeen ciidamada Dowladda, taasi oo
uu sheegay in soo qabashadooda ay ku
suurtagashay taatiko milateri oo ay
adeegsadeen ciidamada Dowladda.
“Ciidamadda Milateriga Dowladda waxay soo
qabteen askari ka tirsan ilaalada suuqa
Bakaaraha, berri saddexda saac ayaana
saxaafadda u soo bandhigeynaa” ayuu yiri
Daahir Dheere oo sheegay inay guulo ka
gaareen dagaallada ka dhacay Isgoyska
Florensa iyo xaafadaha Howlwadaag iyo Hodon.
dagaaladii saakay ka bilowday qeybo ka
tirsan magaalada Muqdisho ayaa iskood u
istaagay maqribnimadii caawa, inkasta oo ay
jiraan xabado teel teel ah oo laga maqlayo
goobihii ay maanta dagaalada ka dhaceen.
Dhinaca kale Afhayeenka Ganacsatada S/Bakaaraha
Cali Ma'ed Siyaad Dheera ayaa beeniyey in
laga qabtay mid ka mid ah ilaaladooda ,waxaana
uu aruintaa ku tilmaamay qorshe la doonayo
in lagu biliqeysto S/Bakaaraha. |