|
10/11/2008
- Aaska Gudoomiye ku xigeenka labaad ee
maamulka gobolka Bay Xuseen Ruunow Sheekh
ayaa waxaa ay goordhow ku soo gabagaboobay
Duleedka Baydhaba , iyadoo ay ka qeygaleen
xubno ka tirsan Maamulka.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa xalay fiidki ay
toogteen rag hubaysan isagoo masjidka ka
yimid , Waxaana uu Marka uu falka dilkaasi
dhacay ayaa waxaa goobta uu falkaasi ka
dhacay soo buux dhaafiyay ciidamo fara badan
oo ka tirsan kuwa dowlada KMG Soomaaliya
kuwaasi oo durbabab halkaasi howlgalo
baaritaano ah ka sameeyey.
Dhanka kale ciidamada dowlada ee ku sugan
magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in ay
toogasho ku dileen nin ku xirnaa xabsiga
dhexe ee magaalada Baydhabo kaasi oo la
sheegay in halka ay ku dileen ciidamada uu
maydiika isagoo ka xir xiran gacmaha iyo
luga uu in mudo ah yaalay.
Dadka deegaanka ayaa idaacada Shabelle u
sheegay in maydka ruuxaasi la dilay arkeen
isagoo ka xir xiran gacmaha iyo luga waxaana
ay intaa ku dareen in ay arintaasi wal wal
iyo cabsi balaaran ay ku beertay.
Magaalada Baydhabo waxaa ay noqotay meel
dhibaatdada faraha badanle la wqadaagta
caasimada Soomaaliye ee Muqdisho halkaasi oo
lagu yaqiinay falalka haatan ka dhacaya
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. |