|
09/11/2008
- Kooxda Al-Shabab ayaa dagaal xoog leh
ku qaaday Dagaal Ciidamada AMISOM, kuwa
Dowladda Federaalka ee Saldhiga ku leh
Isgoyska KM4, Taleex Tarbuunka, iyo Makka
al-Mukarama .
Dagaalkan ayaa la isu adeegsanayaa Hubka
noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan
Madaafiicda waa weyn, iyadoona dagaalka uu
saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqii
Isgoyska KM4.
Khasaaraha uu geysanayo dagaalka ayaan la
sii saadalin akrin , Waaxana dagaalka uu
yahay mid xawli ku socdaa isagoo ku fiday
goobo dhowr ah oo ka mid ah Degmada Hodan.
Kooxda Al-Shabab ayaa weerar qorsheysan ku
soo qaaday fariisimaha Ciidamada Amisom iyo
kuwa Dowladda Federaalka, waxaana si xoog
leh loo maqlayaa Hubka Culus, kuwaasoo si
ba'an ugu hoobanaya xaafado dad rayid ah
degan yihiin.
Si kastaba xalay ayay ahayd markii dagaal
culus lagu qaaday Ciidamada Burundi, waxaana
dagaalkan uu ku soo beegmayaa xilli 5-tii
bishan uu dhaqan galayay heshiiskii xabad
joojinta, hase ahaatee heshiiskaas ayaa u
muuqda mid aan wali dhaqan gelin marka loo
eego dagaalada wali socda. |