Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Nin Kenyaati oo dhowaan Muslimay damacsanaana in uu ku soo biiro Maxkmadaha oo xalay lagu dilay magaalada B/Xaawo ee G/Gedo.

 

08/11/2008 - Wararka ka imaanaya magaalada B/Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen nin Kenyaati ah oo dhowaan soo Islaamay, kaasi oo markii la dilayay ka soo baxayay Masaajid kuu cibaadeysanayay.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu isagu ku sugnaa maalmahaanba magaalada B/Xaawo, waxaana la sheegayaa in kooxihii dilay ay baxsadeen, kaddib markii ay afar xabadood kala heleen madaxa iyo feeraha.

Magaalada B/Xaawo maamulka ka taliya Sarkaal u hadlay ayaa sheegay inay ku raad joogaan kooxihii dilay ninkaasi Kenyaatiga soo Muslimay, waxaana la sheegayaa inay haatan degan tahay xaaladda magaaladaasi.

Dhinaca kale magaalada B/Xaawo ayaa iyadu noqotay mid habeenadii ugu dambeeyay faraha ka sii baxayo, iyadoo xilliyada habeenadii ay soo baxayaan kooxo isbaarooley ah oo iyagu dadka ka furanaya wixii ay wataan, gaar ahaan taleefoonada gacanta, lacag iyo waxyaabaha kale ee fudud, tiiyoo aanay jirin awood muuqata oo wax ka qabaneysa dhibaatooyinka loo geysanayo dadka rayidka ah.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture