|
08/11/2008
- Hawlgalkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya
labada ciidan ., waxaana ay ka soo bilaabeen
afaafka Garoonka ilaa Aaga KM4 . iyadoo la
soo bixiyey dabaabadaga dagaalka Amisom.
Hawlgalka ayaa waxaa lagu xiray dad fara
badan oo la tuhmay , waxaana xiran sidoo
kale wadada Makka Al-mukarama oo loo diiday
in ay adeegsadaan Gaadiidka rayidka.
Hawlgalkaan ayaa yimid xili la hadal hayo in
maanta Garoonka ay ka soo dagayaan Xubno
wasiiro ah oo DFS ka tirsan kana imaanaya
dhanka Nairobi.
Amaanka Wadada Garoonka ayaa maalmihi dambe
ahayd mid aad u kacsan , waxaana ka dhacayey
Qaraxyo iyo dilal qorsheysan. |