|
08/11/2008
- Dhaawacyadaan ayaa badankood laga
keenayey dhanka iyo S/Bakaaraha oo shalay si
weyn looga duqeeyey Xarunta madaxdooyada
Villa Somalia , waxaana dadka ay ahaayeen
kuwa Ganacsi ku haystay Suuqa iyo kuwa
Dukameysanayey intaba.
Dhawaacyadaan ayaa Saka waxaa qaarkood la
dhigay saalada Qaliin Sida uu Shabakada
Xamardaye.com u sheegay Dr:Cali Cadde oo ah
afhayeenka Cisbitaalka Madiina .
Cali cade ayaa sheegay in dhaawacyada qaar
ay aad u liitaan oo aan waxba laga qaban
karin.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay inta
la ogyahay 20-qof ,waxaana ku dhaawacmay
100-qof isagoo ahaa dagaal saf balaaran oo
kawada dhacay meelo badan. |