Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Dadka deegaanka Suuqa Xoolaha oo qax iyo kala carar ku yimid kadib markii ay deeganadaas ku soo faafeen Ciidamo Ethiopian ah oo Dabaabaad ku hubeysan

 

08 Nov 2007 Muqdisho - War goor dhaweyd naga soo gaaray deegaanka Suuqa Xoolaha Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qax iyo kala carar ku yimid dadka degaankaas kadib markii Ciidamo Ethiopian ah oo aad u fara badan soo galeen deegaanka iyadoo Ciidamo cusubna saldhig ka dhigteen Xerada Maslax ee isla deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray dhamaan goobihii Ganacsiga ee Suuqa Xoolaha, iyadoo qof walba cagihiisa wax ka deeyay sida ay sheegayan wararka, waxaana laga baqaya in Ciidamada Ethiopianka ah falal laga naxo dad u geystaan.

Dadka dhalinyarada ah, Waayeel, Dumar iyo Caruur fara badan midna kuma harin degaankaas saaka, iyadoo cabsida ugu weyn ay tahay Ciidamada Ethiopianka halkaas kula soo galay dabaabaadkooda

Ma jiraan wax iska hor imaad ah oo ilaa iyo hadda ka dhacay Suuqa Xoolaha oo Ciidamadaas soo galeen, waxaase laga cabsi qabaa in dagaalo ka dhacaan halkaas.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse