|
08
Nov 2007 Addis Ababa - Safiirkii Dowladda
Kmg u fadhin jiray Magaalada Addis Ababa C/kariin
Faarax Laqanyo ayaa ku soo biiray
Musharaxiinta u xuubsiibaneysa Jagada
Ra'iisul wasaarenimada Soomaaliya.
Danjire Laqanyo ayaa muddo labo sano iyo bar
ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis
Ababa, isagoo haatan loo bedelay Dalka K/Afrika.
Marka loo eego Laqanyo siyaasad ahaan waa
nin ay isku fiican yihiin Maamulka Addis
Ababa, wuxuu ku sugan yahay Magaalada Addis,
isagoona halkaasi ka wada olole xoogan oo uu
ku doonayo inuu jagadaas ku qabto.
Isagoo ka faa'ideysanaya ahaanshaha beesha
uu ka soo jeeda ee Hawiyaha ee ah Beesha
xilkan awood qeybsi ahaan u heleysa, ayuu
door bidayaa inuu xilkaas qabto.
Ma aheyn nin magaca ku leh Siyaasada
Soomaaliya ninkaan da'da yar Waaya
aragnimadiisa Siyaasadeed ayaa ka bilaabatay
xiriir uu la sameeyay Dowladda Ethiopia mar
uu Beled Weyn ka aas aasay Maamul Goboleed
la magac baxay Midland, xilligaas wuxuu
doonayay inuu ka soo muuqdo shaashadaha
Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya, wax yar
kadib markii uu ka yimaaday Dibada waxa uu u
baqoolay Deegaanada Is maamulka Soomaalida
Ethiopia, halkaas ayuuna Hub iyo saanad
Milateri uga soo qaatay Xukuumada Addis
Ababa.
Wax yar kadib waxa uu Isbaheysi la sameystay
Maxamed Dheere oo maamuli jiray Gobolka
Shabeellaha Dhexe, taasoo aaqirkii Dowladii
lagu soo dhisay Kenya ay saldhigatay Jowhar,
intaa kadib ayaa loo magacaabay Safiirka
Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa.
Joogitaankiisa Addis Ababa ee haatan ayaa ah
mid uu ku doonayo inuu ku helo Ra'iisul
wasaarenimada Soomaaliya, bacdamaa xiriirka
isaga iyo Xukuumada Ethiopia uu aad u
wanaagsan yahay, waana ay dhici kartaa inuu
helo jagadaas.
Waa Nin marka laga eego aqoontiisa ay u
sahli karto jagada Ra'iisul Wasaarenimada,
waxa uuna ka soo jeedaa Beesha Xawaadle ee
degta Gobolada Dhexe, gaar ahaan Hiiraan.
Sidoo kale Magaalada Addis Ababa waxaa ku
sugan Prof. Axmed Jimcaale Axmed oo isna loo
wado Jagada Ra'iisul Wasaarenimada, waxaana
la sheegayaa in ninkan ay si gaar ah u
wadato Dowlada Mareykan, waana Macalim
jaamacad ku taal Mareykanka wax ka dhiga.
C/kariin Faarax Laqanyo ayaa noqonayo
shaqsigii 3aad ee isu soo sharxa Jagada
Ra'iisul Wasaarenimada Soomaaliya. |