|
08 Nov
2007 Muqdisho - Afhayeenka Maamulka Gobolka
Banaadir Maxamed Muxyadiin Cali ayaa saaka
ka badbaaday qarax miino la doonayay in lagu
qaarijiyo.
Maxamed Muxyadiin Afhayeenka Maamulka
Gobolka hada waa uu bad qabaa, isagoona aanu
waxba ku noqon qaraxii Miinada ahaa ee lala
beegsaday meelo u dhow Gurigiisa oo ku yaal
Degmada Kaaraan.
Isagoo ka hadlayay qaraxii lala maaganaa in
lagu dilo ayaa sheegay in ay mar walba uu
diyaar u yahay in shaqadiisa sii wato,
isagoo ku tilmaamay kuwa weerarka ka
dambeeyay in ay yihiin kuwo ilaahey
naxariista iyo Iimaankana ka saaray waa sida
uu hadalka u dhigay.
"Qaraxa waxa uu ahaa mid ku qarxay gaariga
aan saarnaa Labadiisa lugood dhexdooda,
waana ka bad baaday"ayuu yiri Afhayeenka
Maamulka Gobolka.
Waxaa uu sheegay markii qaraxa lala
beegsaday uu ku sii jeeday xafiiskiisa oo uu
sheegay inuu ka jiray maanta shir muhiim ah.
Waxa uu sheegay in sida loola dhaqmay ay si
ka daran ula dhaqmi doonaan kuwa uu ku
tilmaamay kooxaha nabad diidka ah ee fowdada
iyo qalalaasaha ka wada Muqdisho sida uu
yiriye
Maxamed oo dhawr afartan Jir ah waxaa xilkan
u doortan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna
Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere,
haatan meel muhiim ah ayuu kaga jiraa
Maamulka Gobolka isagoo xilligan adag diyaar
u noqday shaqo qaran sida uu sheegay xubin
ka tirsan Maamulka Gobolka.
Qaraxa lala beegsaday Afhayeenka oo ka
dhacay duleedka Saldhiga Kaaraan oo aan
sidaas uga fogeyn Guriga Maxamed ayaa haatan
waxaa halkaas baaritaano ka wada Ciidamada
Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo
halkaas gaaray daqiiqado kadib.
Waxaa uu ahaa nin si weyn uga dhex muuqday
Maalmahan shaashadaha Saxaafadda Soomaaliya,
inta badan go’aanada ka soo baxa Guddiga
ammaanka Gobolka Banaadir waa ninka ay
Saxaafadda ka soo xigtaan. |