|
08/11/2008
- Waabarigi hore ee saakay ayaa waxaa
magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ka
bilowday howlgalo baaritaan kuwii ugu xoogga
badnaa, waxaana howlgaladaasi ay sameynayaan
ciidamada Booliska dowladda KMG ah la
sheegayaa inay ku galeen gobo bartilmaameed
u ahaa.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in mudadii
ay socdeen howlgaladaasi ay ciidamada ku soo
qabqabteen kooxo looga shakiyay inay ku lug
leeyihiin shaqaaqooyinka ka dhaca magaalada.
Sidoo kale ciidamada Booliska Baydhaba ayaa
xiray gebi ahaanba waddooyinka soo gala iyo
kuwa ka baxa magaalada, waxaana gebi ahaanba
istaagay isu socodka dadka iyo gaadiidka,
inkasta oo markii howlgaladaasi ay
dhammaadeen ay ciidamada dib u fureen isu
socodka magaalada.
Howlgalada baaritaan oo ay saakay
sameynayeen ciidamada Booliska ayaanay jirin
wax rabshado ah iyo is rasaaseyn ka dhacday
halkaasi, waxaana la sheegayaa in saakay
ciidamadaasi markii ay dhameeyeen
howlgaladooda lagu arkayay iyagoo gaaf
wareegaya gudaha magaalada. |