|
06/11/2008
- Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ah
Afhayeenka Xasan dahir oo maanta la hadlay
Saxaafada ayaa sheegay in Sheekh Xasan Dahir
Aweys uu ku soo wajahan yahay Dalka
soomaaliya gaar ahaan Degmada Guri ceel ee
uu ka soo jeedo si uu taagero ugu raadiyo
Beeshiisa ceyr.
Tagitaanka Xasan Dahir ee Guri Ceel ayaa ah
loolan cusub oo u bilaaban doono isaga iyo
Shariifka, waxaana marka hore taagerada uu
ka raadinayaa Beeshiisa si ay kalsooni u
siiyaan
Xasan Dahir oo ka mid ah raga Mareykanka uu
ku daray liiska waxa uu ugu yeeray
Argagixisada ayaa socdaalkiisa waxaa uu ku
soo beegmayaa xilli saaxibkiisii hore Sheekh
Shariif uu booqanayo Gobolo ka mid ah
Soomaaliya, taasoo sida muuqata uu taageero
ugu raadinayo Heshiiskii Jabuuti.
Safarkaan ayaa la ogeyn waxa uu ka badali
karo duufaanta Siyaasadeed ee u dhaxeysa
Xasan Dahir iyo Sh.Shariif. |