|
06/11/2008
- Wararka naga soo gaarayo
caasimaad-gobaleedka Galgaduud ee
Dhuusa-mareeb, ayaa waxay sheegayaan inay
kooxo hubeysan ay barqanimaddii maanta
halkaasi ka qafaasheen Shaqaale Samafalayaal
ah oo ka tirsan Hay\'adda Laanqeyrta Cas ee
Caalamiga "ICRC", kuwaasi oo doonayey inay
raacaan Diyaarad ay ICRC leedahay oo
brqanimaddii maanta soo caga-dhigatay
Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda
Dhuusa-ma-reeb.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa Shabakada
Xamardaye Ilo-wareedyo u xaqiijiyey inay
dabley hubeysan afduubteen afar shaqaale
Samafalayaal ah oo maalmahan hawlo quudin
iyo deeq-bixin ka waday qeybo ka tirsan
Gobalka Galgaduud.
Afduubayaasha waxay kaloo khasab ku wateen
Labadii Duuliye ee waday Diyaaradda qaadi
lahayd Samafalayaasha ka tirsan Hay'adda
ICRC, waxayna Afduubayaasha u kaxaysteen
Shaqaalahaasi meel aan la aqoonin.
Ma cadda sababaha rasmiga ee loo qafaashay
Shaqaalahasi oo la hadal-hayo inay u kala
dhasheen Faransiiska iyo Kenya, inkastoo aan
si rasmi ahaan loo xaqiijin karin.
Odayaasha Deegaanka iyo Aqoonyahanadda ku
nool magaalladda Dhuusa-ma-reeb, ayaa la
sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo sii
dayn lahaa Shaqaalahaasi, oo iyagu hawlgallo
Samafal quudin iyo raashin qeybin ka waday
Deegaannadda ay dadka soo barakacy ku sugan
yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax
bannaan oo xaqiijinaya ujeedada loo
qafaashay Shaqaalahaasi iyo haybta dableyda
falkaasi geysatay.
Kooxaha Somalida ee baddaha wax ka afduubta
ayaa sanadkan oo qura waxay xeebaha Somalia
iyo Yemen isku xira ka geysteen ku dhawaad
boqol weerar ayagoona gacanta ku dhigay in
ka badan 30 markab oo ay lacago madax
furasho ah ka qaateen. |