Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-soo-nooleynta dalka Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo eedeeyey QM.

 

Sheikh Shariif06 Nov 2007 Asmara - Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa tilmaamay inay Ciiddamaddaasi adeegsadaan argagax-gelinta shacbiga Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo xusay inay Ciiddamadda Ethiopianka bilaabeen inay dadka gowracaan, iskana xasuuqaan.

Mas’uulkaasi oo mar ka madax ahaa Golihii Maxkamadda Islaamka Somalia ee dabayaaqaddii sannadkii hore loogu itaal-sheegtay dagaallo ay Ciiddamadda Ethiopianka kula galeen qeybo ka tirsan Koonfurta Somalia, ayaa sheegay inay Ciiddamadda Ethiopianka yihiin Calooshood-u-shaqeystayaal u adeegaya danaha dowladda Maraykanka iyo dowladdo kale, waa sida uu hadalka u yiri Hoggamiyahaasi oo miisaan ku leh Taageeradda Shacbiga Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Hawlgalladda ay Ciiddamadda Ethiopianka ka wadaan qeybo ka tirsan magaalladda Muqdishu, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Siyaasadda Meles Zenawi fashilmi doonto, isla markaana ay Ciiddamaddiisa la kulmi doonaan cawaaqib-xumo.

Sheekh Shariif, waxa u uugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed inay u midoobaan halganka dib loogu xorreynayo dalka Somalia, isla markaana ay wadaan Kacdoonka ay kaga soo horjeedaan Ethiopianka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyey aragtida Isbahaysigiisu ka qabo Baasaboorka (E-Passaport) ee ay Dowladda Federalka hirgelinayso, waxa uu sheegay inaan Baasaboorkaasi caalamka la aqoonsanayn, maadaana uu dalka somalia gacan gimeysi ku jiro, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo intaa raaciyey in Baasaborka Somalia ee la aqsoonsan yahay kii ay Dowladdii hore soo saartay.

Mar wax laga weydiiyey dadka Xujeyda ee lagu amray inay Baasaborka cusub (E-Passaprt) qaataan si ay Waajibaadka Xajka ee sannadkan u soo gutaan, waxa uu ugu baaqay Xujeyda inay kharajkooda Ilaahay dartiisa ugu yaboohaan dagaalka Jihaadka ee lagula jiro Ciiddamadda Ethiopianka ee xoogga ku joogta dallka\eenna, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-soo-nooleynta dalka Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaa wax laga weydiiyey sababaha ay DFKMGS ugu eedeynayaan inay Dowladda Ethiopia xulufo la tahay, halka uu

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse