Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Meydadka Labo ruux oo gacmaha iyo lugaha ka xiran oo saaka waabarigii lagu arkay meel u dhow Warshadii Taraqa iyo Sigaarka

 

06 Nov 2007 Muqdisho - Meydadka Labo ruux oo ay rasaasi ka muuqato, isla markaana ka xiran gacmaha iyo Lugaha ayaa saaka lagu arkay Nawaaxiga Warshadii Taraqa iyo Sigaarka ee Degmada Hodan.

Meydadka Labadan ruux oo da' ahaan u dhaxeeya 20 ilaa 30 sano ayaa la rumeysan yahay in gacmaha iyo lugaha laga soo xiray ka hor intii aan la toogan Labadaas Marxuum.

Lama oga cidda ay yihiin labadan nin ee sida muuqatay korkooda oo dhan lagu arkayay rasaas, dhawr meel loogu dhuftay, sidoo kale lama oga cida dilkooda ka dambeysay.

Xitaa lama arag ilaa iyo hadda cid garatay meydadkan, hase ahaate dad fara badan ayaa ku soo xoomay goobta meydadkan la soo dhigay oo ah ka soo horjeedka Warshaddii Taraqa iyo Sagaarka.

Dadka qaarkiis ayaa waxay sheegayan in labadan meyd ay rumeysan yihiin in dilkooda ay ka dambeeyan Ciidamada Ethiopia ama kuwa Dowladda Federaalka, hase ahaate lama huba warkaas.

Labadii Maalmood aynu soo dhaafnay ayaa Magaalada Muqdisho meelo ka mid ah lagu arkay meydad qaarkood la gowracay, qaarna ay rasaas ku tiil, waxaase arrimahan oo idil ay ku soo beegmeysaa, xilli xaaladaha ka aloosan Magaalada ay noqonayaan kuwi sii laba jibaarmaya.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse