|
06 Nov
2007 Muqdisho - Warar soo baxaya ayaa
sheegay in Gudiga Amaanka ee gobolka
Banaadir ay go'aamiyeen qorshe ay ku kala
goynayaan deegaanada magaalada Muqdisho si
howlgallo baaxad leh oo sifeyn ah looga
sameeyo deeganada qaarkood.
Qorshahan ayaa la sheegaya in kaartadiisa ay
ka danbeeyaan Saraakiil Ciidamo Itoobiyaan
ah kuwaasi oo aad uga caawday goobaha lagu
hubo kooxaha hubeysan ee hadane aan si toos
ah ciidankoodu u gali karin.
Gudiga Amaanka gobolka Banaadir ayaa lagu
wadaa in uu meel mariyo qorshahaasi oo
dhigaya in Laga bilaabo Isbartiibada wixii
ka xiga Woqooyi ee deeganada
Dayniile,Gubta,Suuqa Xoolaha laga jaro
magaalada inteeda kale.
Qorshahasi ayaa lagu doonayaa in
deegaanadaasi lagu daayo Ciidamo aad u fara
badan oo Itoobiyaan iyo Somali ah kuwasi oo
howlgallo ka sameeya deegaanada isla
markaana u diida kooxaha halkaasi ku jira in
aysan magaalada inteeda kale uga bixin.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa weerar xoogan oo
ay ku qaadaan goobahaasi isku diyaariyay
iyadoona cutubyo kamid ah Ciidankooda lagu
diyaarinayo Isbartiibada iyo Wasaaradda
Gaashaan dhigga.
Cidamada Itoobiyaanka ayaa weerarka Gubta
lagu qaadayo kasoo gali doona dhanka
Gaashaan dhigga iyo Isbartiibada halka kuwa
Maslaxa iyo Warshadda Baastada ay iyana Suqa
Xoolaha toos u gali doonaan.
Lama oga hadii qorshahani la meel mariyo
sida ay yeeli doonaan shacabka degaanadaasi
oo aan loo ogolaan doonin cid kamid ah in ay
magaalada inteeda kale usoo gudubto,laakin
waxaa ay sheegayaan dadku in goobahaasi
awalkii horeba ay isaga carareen dadka
rayidka ah. |