Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Ciidamada Ethiopia oo dhaq dhaqaaqyadii ugu baaxada weynaa ka wada Xaafadaha ku teedsan Jidka Warshadaha xili Weeraro culus lagu hayo

 

Ethopian06 Nov 2007 Muqdisho - Ciidamada Ethiopia ee wali sida hirkii oo kale ugu soo qul qulaya Magaalada Muqdisho ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo kii ugu baaxada weynaa ka bilaabay xaafadaha ku teedsan Jidka Warshadaha, halkaasoo maanta Muqdisho inteeda kale ay ka go'an yihiin.

Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah ayaa saaka ku waabariistay Xaafadaha Towfiiq, Gubta, Miisaanka Dhuxusha iyo dhamaan agagaarada Wadada warshadaha oo ay xireen Ciidamadu.

Boqolaal ruux ayaa saaka la arkayay, iyagoo lugahooda maalaya kana soo wareegsanaya wadada soo hor marta Isgoyska Fagax kadibna soo mara Suuq Bacaad halkaas oo ay uga soo gudbayeen suuqa weyn ee Bakaaraha kadib markii Ciidamada dalka Ethiopia isku gadaameen dhamaan xaafadaha ku teedsan agagaarka Wadada Warshadaha.

Howlgalkan cusub ee saaka fulinaya Ciidamada cusub ee Ethiopianka soo galay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere wuxuuna si cad u cadeeyay in Xaafadaha ku teedsan Wadada Warshadaha howl gal adag laga bilaabi doono maanta.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa lagu daadiyay Xaafado dhowr ah oo todobaadkii la soo dhaafay ay kala kulmeen iska caabin xoogan, waxeyna Ciidadmo is heystaan Ex Ctrl Balcad ilaa Ex Ctrl Afgooye oo ah Labada wado ee Muqdisho uga kala yimaada Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Dadka qaar ee saaka u suura gelin in ay guryahooda ka soo baxaan ayaa ka cabsi qaba in Howl galada cusub ee ay wadaan Ciidamada Ethiopia ay ka dhalato iska caabin lagala hor yimaado, taasoo noqota dagaalo qaraar oo ka dhaca qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse