Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Labo ruux oo ku dhimatay weerar Hubeysan oo xalay lagu qaaday Guriga Maareeyaha Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow

 

06 Nov 2007 Muqdisho - Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Guriga Maareeyaha Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow, iyadoona weerarkaas uu ahaa mid sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la og yahay ilaa labo ruux ayaa ku dhimatay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo xalay ka dhacay Xaafadda Yaaqshiid guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho.

Ilaalada Guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa iska caabiyay weerarkaas mudada saacad iyo bar socday oo ay guriga ku soo qaadeen kooxo dad badan aaminsan yihiin in ay ka mid yihiin kooxaha Kacdoonka ka wada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dagaalkan ayaa inta badan waxaa uu ka dhacay Guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow iyo Guri kale ee uu degan yahay Ganacsade caan ah oo heyb qabiil wadaagan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, ganacsadahaas oo lagu magacabo Cali Beere Caddow.

In kastoo dagaalka xalay xilli isu socodka dadka aad u yaraa dhacay ayaa haddana warar laga helayo Ceel tuba weyne oo ah deegaanka ay dagan yihiin labadaas Mas'uul waxaa ay sheegayan in ay jiraan dad rayid ah oo xaafadahooda ugu tagtay rasaasta labada dhinaca is dhaafsanayeen.

Toddobaadyadii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa aad u soo kordhay weerarada kooxaha Kacdoonka wada ku qaadayaan xarumaha Dowladda, Mas'uuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse