|
05/11/2008
- Waxaa gebi ahaanba dhammaatay ololihii
doorashooyinka ka socday dalka Mareykanka,
iyadoo si aan caadi ahayn oo layaab leh uu
ugu guuleystay Senator Barack Obama oo
noqonaya Madaxweynihii 44-aad ee soo mara
dalka Mareykanka.
Musharaxa kale ee Xisbiga Jamhuuriga Senator
John McCain ayaa qirtay in tartanka ololaha
doorashada madaxtinimada Mareykanka looga
adkaaday, isagoona u hambalyeeyay guusha uu
gaaray musharaxa kale ee isagu kula
tartamayay jagada madaxtinimada dalka
Mareykanka, waxaana haatan socota
damaashaadyo iyo hambalyooyin ku aadan
Madaxweynaha cusub.
Codadka looga baahnaa inuu ku hormaro
Senator Brack Obama oo 270 cod ahaa ayaa
waxa uu ka sara maray 324, iyadoo musharaxa
kale ee la tartamaya uu isna helay
124-codadka Electoral Votes-ka ah.
Dhinaca kale Maxkamadda sare ee dalka
Mareykanka ayaa la filayaa inay sacadaha soo
socda ku dhawaaqdo Madaxweynaha ku
guuleystay tartankii doorasho ee maalmahanba
ka socda dalka Mareykanka, waxana
Madaxweynahan cusub uu noqonayaa midkii
44-aad ee soo mara dalka Mareykanka.
Doorashada Madaxweyne ee sanadkan ka dhacday
dalka Mareykanka ayay sheegayaan dadka u
dhuun daloola arrimaha Mareykanka inay si
aad ah uga duwaneyd doorashooyinkii hore,
waxaana ku baxday malaayiin lacag ah, xilli
ciriiri dhaqaale uu gilgilayo adduunka.
Madaxweynahan cusub ee Mareykanka ayaa looga
fadhiyaa inuu isbedello waaweyn ku sameeyo
xiriirka arrimaha dibadda iyo ciidamada
Mareykanka inuu ka soo saaro dalalka ay
qabsadeen. |