|
05/11/2008
- Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee
gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saakay
aroornimadii hore ay ku soo faafeen
ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan halkaasi
degaano ka tirsan degmadaasi.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa
inay saakay waaberigii galeen meel u dhow
suuqa Degmada Afgooye, iyagoona ciidamadaasi
la sheegay inay baaritaano ka bilaabeen
guryo ku yaala halkaasi, waxaana ciidamada
la sheegay inay xaafadahaasi ka kaxeysteen
kooxo dhallinyaro ah.
Sidoo kale goobaha ay ciidamada galeen ayaa
la sheegay inay ku soo ururiyeen hub u
badnaa qori gacmeedyo, hase yeeshee ilaa iyo
haatan ma jirto ciidamadaasi wax
dhibaatooyin ah oo ay geysteen mudadii ay ku
guda jireen howlgaladooda.
Guud ahaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka
ayaa xayirmay muddo kooban, iyadoo ciidamada
Itoobiyaanka ah ay xireen dhammaanba
waddooyinka laga soo galo magaalada, inkasta
oo saacado kaddib ay hadana ciidamada dib u
fureen. |