Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Burcad-baddeeda haysta Markabka xamuulka ee Mv Yasa Neslihan oo codsaday lacago madax-furasho ah.

 

05/11/2008 - Kooxaha burcad badeeda Somalida ee uu gacanta ugu jiro markabka lagu magacaabo Mv Yasa Neslihan ayaa dalbaday in laga markabkaasi laga siiyo lacago madax furasho ah oo gaareysa illaa iyo 8 Million oo $ si ay usii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran oo gaaraya 20 badmaax.

Wargeyska Hot News Turkey oo ka soo baxa magaalada Ankara ee xarunta wadanka Turkiga ayaa asagoo soo xiganayay ilo wareedyo ku sugan gudaha wadanka Somalia ayaa sheegaya in kooxaha ay markabka ku heystaan qeybo ka mid ah gobolada waqooyi bari ee dalka Somalia.

Markabkaan ayay kooxaha burcad badeeduka qafaasheen gacan biyoodka Cadmeed dabayaaqadii todobaadkii hore.

Xukuumada Ankara ayaa ka dalbaday wadamada isbaheysiga Nato inay ka gacan siiyaan sidii loo soo furan lahaa markabkaasi iyo shaqaalaha saaran.

Kooxaha Somalida ee baddaha wax ka afduubta ayaa sanadkan oo qura waxay xeebaha Somalia iyo Yemen isku xira ka geysteen ku dhawaad boqol weerar ayagoona gacanta ku dhigay in ka badan 30 markab oo ay lacago madax furasho ah ka qaateen.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture