|
04/11/2008
- Xalay saqdii dhexe ayaa Xabsiga
Saldhigga magaalada B/Weyne oo ay gacanta ku
hayaan maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah ee
Gobolka Hiiraan aya la sheegay in halkaasi
ay xalay soo weerareen kooxo hubeysan,
waxana is rasaaseyn dhex martay ku
dhaawacmay mid ka mid ah ciidamadii xabsiga
ilaalinayay, iyagoona horey u watay rag ku
eedeysnaa dilkii Nabadoon Dacar Xirsi
xoorshow
Weerarka saldhiga lagu qaaday ayaa ahaa mid
qorsheysan , waxaana la tuhmaya in ay so
qaadeen rag doonayey in ay sii daayaan
Maxaabista amaanka Magaaladana qalqal
galiyaan maadama uu ku so socdaa Sh.Shariif.
Dhinaca kale wararka la isla dhex marayo
magaalada B/Weyne ayaa sheegaya in maamulka
Maxkamadaha Islaamiga ah uu soo kala dhex
galay khilaaf ku wajahan imaanshiyaha Dalka
ee Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta,
waxaana khilaafkaasi xudun u ah Guddoomiyaha
Maxkamadaha Islaamiga gobolka Hiiraan oo
taageeray dadaalada Sheekh Shariif iyo
taliyaha ciidamada oo isna ka horjeestay
dhaqdhaqaaqyada Sheekh Shariif.
Lama yaqaano waxa ay xaalada ku dambeyn
doonto , laakin waxaa cabsi xoogan laga
qabaa tagitaanka Shariifka in ay keento
dagaal ka dhex qarxa Maleeshiyaadka
Islaamiga ee reer Hiiraan. |