Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah ee Degmada Balcad oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii ka soo yeeray Macallim Xaashi ee ahaa in Shariifka shar keenay Jowhar.

 

04/11/2008 - Sheekh Muqtaar Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Ciidamada Nabadgelyada Maxkamadaha Islaamiga ee Degmada Balcad ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Macalin Xaashi Maxamed Faarax, kaasi oo uu uga soo horjeedo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo imaatinkiisii gobolka Sh/dhexe gaar ahaan Degmada Jowhar

Sheekh Muqtaar ayaa hadalkaas ku micneeyey mid aan loo dhameyn, isla markaasina uu yahay mid shaqsi ah oo aanu matalin maamulka iyo dadka degaanka Balcad intaba.

mar wax laga weydiiyey iyaga cida ay u aqoonanyihiin Hoganka Maxaakimta ayuu sheegay in ay aqoonsanyihiin Sh.Shariif iyo Garabkiisa abuuti.

Waxa uu kalo ka hadlayay dhinaca ammaanka, waxa uu sheegay in degmada Balcad ay tahay mid ammaankeeda la isku halleyn karo, isagoona sheegay in degmada ay leedahay maamul hoos taga gobolka Sh/dhexe.

Horey ayaa Macalin Xaashi waxa uu saxaafada ka sheegay haadl qadaf ahaa oo uu ku weeraray Shariifka iyo xubnaha la socday , waxaana uu ku tilmaamay Nin la mid ah C/laahi Yuusuf iyo males zenawi.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture