|
03/11/2008
- Kadib kulan dhex maray Wasiiradda
Gaashaandhiga Faransiiska iyo Spain ayaa ay
ku shaaciyeen in ay bilaabayaan hawlgalada
ay ciidamada badda wadamada Ururka Midawga
Europe ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad
badeeda Somalia ay bilaaban doonan bishan
November 10-da ee sanadkaan.
Wasiirka gaashaandhiga dalka Faransiiska
Herve Morin ayaa ka sheegay magaalada
Brusells in kulan uu la qaatay dhigiisa
dalka Spain Carme Chacon in ay bilaaban
doonaan hawl galada lagula dagaalamayo
xooxaha burcad badeda Somalied ee ka
qawleysta xeebaha Somalia wixii ka dambeeya
10,ka bishaan aanu ku jirno ee November
ayadoona si toos ah ay ciidamadoodu uga hawl
galayaan xeebaha Somalia iyo gacan biyoodka
Cadmeed.
Maraakiib dagaal oo Faransiisku leeyahay
ayaa hadda ku sugan xeebaha dalka Jabouti
waxayna dhawr mar hawl galo ka fuliyeen
xeebaha Somalia.
Madaxweynaha Faransiiska, Nicolas Sarkozy
ayaa horey uga digay in xeebaha Somalia ay
ka bilaabato ganacsi nooc cusub ah oo laga
sameeyo maraakiibta iyo doonyaha isticmalaa
meelaha u dhaw dhaw xeebaha Somalia.
Dawlada Spain ayaa iyadu u soo dirtay
xeebaha Somalia 2 markab oo nooca dagaalka
ah kuwaa oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka
dhanka ah burcad badeeda.
Hadalkaan soo yeeray ayaa ku soo beegmaya
xilli maraakiib dagaal oo ay leeyihiin
isbaheysiga Nato ay dhawaan soo gaareen
qeybo ka mid ah biyaha u dhaw xeebaha
Somalia. |