Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali "Madaxweynaha waa liitaa waxaa ku furmmay maskaxdiis dhiig mana xukumi karo Dalka ee ha is casilo"

 

03/11/2008 - Xildhibaanka oo la hadlayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xaalada Madaxweyne C/laahi Yusuf ay tahay mid liidata , waxaana uu sheegay in u ku furmay dhiig maskaxda caqligidan uusan tamaam ahayn.

“Marka 1-da duhurnimo la gaaro ma arkeysid madaxweynaha, waxaana dadka doonaya in ay la kulmaan ka hor istaaga gacan-yarayaashiisa iyo ilaaladiisa, xiligaasna waxaa la siiyaa oo uu qaataa dawooyin”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji.

Cabdlada Xaaji ayaa sidoo kale ka shanqariyey in ay muhiim tahay in madaxweynahaa Baarlamaanka hor yimaado, kadibna uu ka warbixiyo xaaladdiisa caafimaad, wuxuuna sheegay in madaxweynaha ay ku adag tahay in uu guto waajibaadka madaxweynenimo ee saaran xiligaan wixi ka dambeeya.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen ayaa jawaab kulu ka bixiyey hadalka Xildhibanka waxaana uu sheegay in ay jiraan Xildhibaano caadeystay in ay mar kasta madaxweynaha ka fidiyaan dacaayado iyo warar aan jirin.

Xuubsireed ayaa ugu baaqay Xildhibaannadaas in ay howshooda gutaan, isla markaana ay iska daayaan warar aan jirin ee ay ka fidinayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku weyn karaan xildhibaannimadooda.

“Haddii xaaladda caafimaad ee madaxweynaha cid wax laga weydiinayo waxaa la weydiin karaa Dhaqaatiirtiisa, laakin waxaan idiin xaqiijinayaa in caafimaadka madaxweynaha uu wanaagsan yahay”ayuu si kulu u yiri Xuseen Xuub-sireed.

Si kastaba Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku wajahanyahay dhanka london si uu ula soo kulmaa dhaqaatiirtiisa oo sanadki mar arkaa laakin waxaa la sheegayaa markaan in uu tagayo xiligii loogu talagalay ka hor

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture