Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Axmed Diiriye oo Jowhar tagay, xilli Xubnaha kala tirsan Golaha Dhaqanka Hawiye ay sheegeen in aysan dirsan.

 

03/11/2008 - Xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, isla markaana uu hogaaminayo Afhayeenka Odayaashaas Axmed Diiriye Cali ayaa gaaray Magaalada Jowhar, halkaasoo la filayo inay kula kulmaan Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif.

Xubnaha Axmed Diiriye horkacaya oo maanta ka tagay Magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa in gelinkii dambe ee maanta ay gaareen, waxaana Odayaasha Hawiye u muuqdaan kuwo isku khilaafsan la kulanka Sheekh Shariif.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Odayaasha Hawiye ay ka soo horjeesteen imaanshaha Sheekh Shariif, iyagoona markii hore qaadacay heshiiskii jabuuti.

Axmed Diiriye iyo Odayaasha uu hogaaminayo ayaa sida wararku sheegayaan maalinta berri la balansan Shariifka, oo maalmahan magaalada Jowhar ka waday, la kulanka Odayaasha dhaqameedyada, waxgaradka iyo culumaa'udiinka.

Magaalada Jowhar ayaa xilligan ah mid aad u mashquul ah, iyadoona ay ku qul qulayaan dadweyne fara badan oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee Bulshada.

La taliyaha Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo lagu magacaabo Salaad Barwaaqo ayaa ku tilmaamay Xubnaha uu horkacayo Axmed Diiriye kuwo is xilqaamay oo aanay ka socon Odayaasha Hawiye, waxaana uu tagitaankooda Magaalada Jowhar ku macneeyay dhuumasho, isagoona qeexay in aanay jirin cid ay wakiilatay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo la kulameysa Sheekh Shariif iyo wafdigiisa.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture