|
02/11/2008
- Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha
Dhexe ayaa waxay sheegayaan in uu
magaaladaas kulan xasaasi ah oo albaabada u
xiran yihiin uu uga socdo Wafdigii uu
hoggaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed
iyo qaar ka mid ah Mas置uliyiinta
Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha
Dalka Soomaaliya.
Ilo ku dhow dhow mas置uliyiinta Maxkamadaha
Islaamka ee gacanta ku heysa Gobolka
Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in
kulankaas uu u socdo Wafdigii Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya ee shalay gaaray
Magaalada Jowhar iyo mas置uliyiin uu
horkacayo Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ku
xigeen u ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed
marka laga hadlayo Midowga Maxkamadaha
Islaamka.
Ilaa
iyo haatan ma jirto cid sheegi karta
waxyaabaha ay mas置uliyiinta labada dhinac
ka wada hadlayaa, marka laga reebo in la
saadaalin karo in ay isla jeex-jeexayaan
sidii gudaha Soomaaliya looga dhaqangelin
lahaa Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi
oo ay qodobadiisa ugu muhiimsan yihiin in
xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada
Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
Waxaa la eegayaa waxa ka soo baxa kulanka u
socda Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta ee
uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed
iyo Wafdiga kale ee ka tegay Magaalada
Muqdisho ee uu hoggaaminayo Shiikh C/qaadir
Cali Cumar oo aan isugu marna dalka ka bixin
tan iyo intii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo
galeen.
Dhanka kalena, waxaa jira warar isa soo
taraya oo sheegaya in wafdi Culumaa置diin ah
ay iyana ku sii jeedaan Magaalada Jowhar,
kuwaasi oo la filayo in ay kulamo la qaataan
Wafdiga Isbaheysiga. Wafdigan
Culumaa置diinka ah ayaa waxaa ku jira xubno
dhawaan ku dhawaaqay in ay qabanayaan shir
lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada ay u kala
jabeen Maxkamadihii Islaamka. |