Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Ra'isal Wasaare Nur Cadde oo wada dadaaladi ugu dambeeyey ee uu ku dhisayo Xukuumad tayo leh xili Madaxweynaha uu arintaa ka biyo diidanyahay.

 

Nuur Xasan Xuseen02/11/2008 - Nuur Xasan Xuseen Ra’isalwasaaraha Dawlada Federaalka KMG ayay wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi sheegayaan inuu ku Mashquulsan yahayy wadahadalo uu la leeyahay qaar ka mid ah siyaasiyinta iyo xiriiro uu la soo samaynaayo waxgaradka Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasare Nuur Cadde ayaa qorsheynaaya in Xukuumadiisa Cusub uu ku soo daro kooxaha Mucaaradka ee ay ku gaareen heshiska dhawaan Magaalada Jabuuti, kuwaasi oo xukuumadda cusub ee la soo dhisayo ka helaaya xubno muhiim ah.

Nuur Cadde ayaa sheegay in Xukuumadiisa cusub uu soo dhisayo muddo aan ka badnayan 15-Maalmood gudahood, wuxuuna sheegay inuu ku soo darayo qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka, isagoo cadeeyay sidoo kale in xuuumadiisa uusan ku soo darayn wasiradii iska asilay xilalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waqtigaan ku howlan inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ay ka muuqdaan kooxaha Mucaaradka, wuxuuna Nuur Cadde u muuqdaa mid Beesha Caalmka ku soo jeediyay sida uu doonayo inay xukuumadaasi u noqotaa mid hesha kalsoonida Beesha Caalamka.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture