|
02/11/2008
- Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya Yuusuf Maxamed
Siyaad Indha-Cadde oo maanta meel fagaare ah
kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Marka
ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu
sheegay in Gobolkaas laga dhisi doono maamul
Islaami ah.
“Maamul aan Islaami ahayn lagama dhisi doono
halkan, ciddii isku daydana waan la
dagaallami doonnaa”ayuu yiri Shiikh Yuusuf
Indha-cadde oo ay u ahayd markii ugu
horeysya oo uu muddo labo sanadood ah dadka
Marka ugu qudbeeyo meel fagaare ah.
Indha-cadde waxaa uu ka hadlay socdaalkii uu
shalay Shiikh Shariif ku tegay Magaalada
Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna
sheegay in sida uu u yiri Shariifka uu wato
Dastuur la soo dhoo-dhoobay oo uu kula
biirayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waad maqleyseen in uu lahaa waxaa la isku
darayaa Xoogagga Muqaawamada iyo Ciidamada
Marya-calasta ah ee qolada TFG-da, waxaan
hubaa in aaney mujaahidiint xero la geli
doonin Ciidamada qoladaas, waxaana u
dhaxeysa xabad”ayuu yiri Shiikh Yuusuf
Indha-cadde.
“Waan la dagaallameynaa cid kasta oo aanan
wax ku xukumeynin Kitaabka Allaah. Annaga C/llaahi
Yuusuf kulama dagaalin, Kursi, Lacag iyo
Qabiil ee waxaan kula dagaalsannahayna waa
in Kitaabka Alle lagu xukumo dalka, taasi oo
uu ka soo horjeedo”ayuuna hadalkiisa ku sii
daray Shiikh Yuusuf Indha-cadde.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Yuusuf waxaa uu ka
hadlay dilal dhawaan magaalada Marka loogu
geystay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka
Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo kala
ahaa Taliye ku xigeenkii Booliska Nuuriye
Cali Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenkii
gobolka ee dhinaca Ammaanka Maxamed Maxamuud
Cilmi oo labadaba sababsaday qarax miino oo
lala eegtay gaari ay wada saarnaayeen. |