|
02/11/2008
- Ku dhawaad 65- Xildhibaan oo ka tirsan
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga soo saaray
Hoteladii ay ka degenaayeen Magaalada
Nairobi, kadib markii sida la sheegay uu ka
dhacay waqtigoodii.
Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanadan
ayaa qaarkood loo sheegay inuu waqtigii IGAD
ay ku dejisay Hotelada uu ka dhacay, isla
markaas sidaas looga soo ceyriyay, waxaana
jira tiro Xildhibaano ah oo ku haray Hotelka,
kuwaasoo jeebkooda iska dabiraya.
Mudada markii hore ay Urur Goboleedka IGAD u
qabatay inay Xildhibaanada ku sii joogaan
Magaalada Nairobi, kadib kolkii uu idlaaday
Shirkii Madaxda IGAD iyo Dowladda Federaalka
oo aheyd muddo labo cisho ayaa u muuqata
inay mudadaas dhamaatay, waxaana laga war
sugayaa sida Xildhibaanada ugu hogaansami
lahaayeen inay ugu guuraan Gudaha Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan warar hoose oo ay
Jowhar.com ka heshay Nairobi Xildhibaanada
Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsan u
guuritaanka Gudaha Soomaaliya, waxaana sida
wararku sheegayaan Xildhibaanadu ka soo
horjeedaan inay hogaanka u hayaan Madaxda
Dowladda oo ay sheegeen inay ku fashilmeen
waxyaabihii loo igmaday.
Inkastoo la soo gaba gabeeyay Shirkii IGAD,
hadana sida ay falayeen uma dhinac oo IGAD
waa ay diiday inay badasho Hogaanka Dowladda
Federaalka oo ay ku dhaliishay waxqabad
la'aan.
Ma ahan wax cusub in Xildhibaanada
Baarlamaanka Hotelo ay degan yihiin laga soo
saaro ama lagu xiro Magaalada Nairobi, tani
ayaa aheyd mid soo jirtay tan iyo markii
Dowladda Federaalka afar sano lagu soo
dhisay Dalka Kenya. |