|
01/11/2008 - Ciidamo ka amar qaata
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka
waxay dad rayid ah ku dileen Deegaanka
Xaliimo Heyte ee Degmada Kaaraan, kuwaasi oo
la sheegay in ay gaari kala degeen.
Dadkani ay Ciidamada dileen oo mid ka mid ah
magaciisa lagu sheegay C/llaahi Madaxey ayaa
waxay saarnaayeen gaari Toyota SURF ah oo ka
yimid Degmada Ceel-dheer ee Gobolka
Galgaduud.
Qof kale oo seddexaad oo labada ruux ee la
dilay gaariga la saarnaa ayaa wuxuu ka
badbaaday in ay Ciidamada dilaan, wuxuuna
kaga baxsaday cagahiisa, waa sida ay dadka
deegaanka ku warameen.
Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Deegaanka
Xaliima Heyte ee Degmada Kaaraan ayaa wuxuu
sheegay in Ciidamada ay joojiyeen gaariga ay
saarnaayeen labada ruux ee la dilay, kadibna
ay ku eedeeyeen inay yihiin sida uu hadalka
u dhigay Al-shabaab, dabadeedna ay sidaas ku
toogteen.
Ciidamada dilka geystay ayaa la sheegay in
ay beryahan deegaankaas ka wadeen falal ay
dadka gaadiidka ugala degaaan kadibna ay
dhibaateeyaan, iyadoo asbuucan gudahiisa ay
ahayd markii ay nin rayid halkaas ku dileen.
Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda
Federaalka Soomaaliya oo aan la xaqiijin
karin rasmi ahaantooda ciidannimo ayaa waxay
gudaha magaalada Muqdisho ka geystaan falal
isugu jira dhac iyo dil, iyadoo aaney ilaa
iyo haatan jirin cid wax ka qabaneysa
falalka guracan ee ay geysanayaan. |