|
01/11/2008
- Qarax xooggan oo maanta ka dhacay
gudaha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu dhaawac
culus ka soo gaaray Guddoomiyaha Degmada
Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole,
iyadoo sidoo kalena ay qaraxaas ku
geeriyoodeen afar ka mid ah ilaaladii
guddoomiyaha.
Dhaawaca Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan
Macallin Axmed Biikole oo la sheegay in uu
aad u culus yahay ayaa waxaa la dhigay
Isbitaalka Magaaladaas, halkaasi oo haatan
lagu dabiibayo, iyadoo sidoo kalena
Isbitaalka la dhigay 10 ruux oo kale oo
qaraxaas ku dhaawacmay.
Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada
Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo
shalay ay Magaalada Baydhabo ka dhaceen labo
qarax oo geystay dhimashada hal ruux iyo
dhaawaca 17 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu
jiray Ciidamo ka amar qaata Dowladda
Federaalka iyo Dad Rayid ah.
Qaraxa maanta lala beegsaday Guddoomiyaha
Degmada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay
iyadoo dhamaan Xildhibaannadii Baarlamaanka
Soomaaliya oo fariisin KMG ah ku lahaa
Magaalada Baydhabo ay ku maqan yihiin
Magaalada Nairobi, halkaasi oo ay u aadeen
shir ay la lahaayeen Urur Goboleedka IGAD.
Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada
Baydhabo ayaa muddooyinkan sii xumaanayay,
waxaana ka dhacayay dilal, qaraxyo iyo
weerarro lagu qaado fariisimo ay ku sugan
yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada
Baydhabo. |