Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Meydka Haweeney jirkeedu ka muuqdo dhaawacyo daran oo saakay soo caarisay Xeebta Liido ee Degmada Xamar Weyne

 

01 Nov 2007 - Meydka Haweenay dhalinyaro ah oo jirkeeda uu ka muuqdo dhaawacyo daran, ayaa saakay lagu arkay Xeebta Sugunta Liido ee Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.

Haweeneydan oo da’deeda lagu qiyaasay 20-ilaa 23 sano, ayaa sida ay dadka deegaanku sheegeen waxaa jirkeeda qeybo ka mid ah ka dareerayey dhiig fara badan, iyadoona u muuqatay qof goor dhow lasoo dilay oo xeebta lagu soo tuuray.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Kmg ayaa durbadiiba gaaray xeebta Sugunta Liido oo ah halka meydka Haweeneydaasi lagu arkay saakay, iyagoona bilaabay baaritaano ay ku sameynayaan dhacdadan arxanka daran.

Meydka Gabadhaasi oo aroornimadii hore ay Badda ka soo saareen Kaluumaysatada Doonleyda ee ku kalahda Badda, ayaa ilaa iyo haatan aysan jirin cid aqoonsatay.

Dhacdadan ayaa waxaa si aad ah uga argagaxay shacabka ku dhaqan Degmada Qadiimiga ah ee Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho, oo ku tilmaamay mid arxan xumo ah oo ka baxsan Shareecada Islaamka

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse