|
01
Nov 2007 - Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo
ka mid ah Hogaanka Gudiga Fulinta ee
Isbahaysiga soo nooleynta iyo dib u xoreynta
Soomaaliya, ayaa sheegay in dhawaan dagaalo
ka dhan ah Ciidamada Dowladda Kmg iyo kuwa
Ethiopianka ay ka bilaabi doonaan Caasimadda
Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobalada Dalka.
Macalin Xaash, ayaa sheegay in Dagaaladaasi
ay yihiin kuwo si weyn uga badalan kuwa
haatan ka soconaya Magaalada Muqdisho,
isagoona sheegay in dagaalada haatan socdaba
ay wadaan Dagaalyahanada Isbahaysiga
xoreynta oo uu tilmaamay in hadafkoodu uu
yahay oo kaliya sidii ay dalka cadowga iyo
cadow-kalkaalka uga saari lahaayeen, sida uu
hadalka u dhigay.
Isagoo ka hadlayey Macalin Xaashi Maxamed
Faarax sidoo kale iscasilaadii uu sameeyey
Ra'iisul Wasaarihii Soomaaliya Prof. Cali
Maxamed Geeddi ayaa sheegay in aysan iyagu u
arkin talaabadaasi mid sidaa u buuran, isla
markaana ay ku qalqaaliyeen is casilaadiisa
Dowlahada Maraykanka iyo Ethiopia oo uu
xusay in ay fara gelin qaawan had iyo jeer
ku hayaan arrimaha Soomaaliya.
Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa
mas’uuliyiintii ka qeybgashay shirkii Asmara
ee lagu soo dhidbay Isbahaysiga soo
nooleynta iyo dib u xoreynta Soomaaliya kana
mid ah hogaanka Guddiga fulinta
Isbahaysigaasi ayaa haatan ku sugan
Magaalada Muqdisho oo uu markii horeba ka
ambabaxay xilligii uu Shirkii Asmara ku sii
jeeday.
Isbaheysiga Xoreynta ayaa sheegay in ay
wadaan abaabulo xoogan oo ay dagaalo saf
ballaaran ugu qaadayaan Ciidamada Ethiopia,
iyadoona abaabulada intooda badan ay ka
socdaan Gobolada Jubooyinka. |