|
01 Nov
2007 - Sida uu shaaciyay La Taliyaha
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee u
qaabilsan Arrimaha Dibada iyo jaangoynta
Siyaasada ayaa waxa uu sheegay in Xafiiska
Madaxweynaha ay soo gaarayaan dhambaalo lagu
dalbanayo booskii uu baneeyay Ra'iisul
wasaarihii Soomaaliya Cali Geeddi.
C/risaaq Aadan Xasan ayaa waxa uu sheegay in
dhambaalada ay ka kala imaanayaan
Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin badan oo uu
sheegay in ay ku sugan yihiin gudaha iyo
dibadaba.
Mr C/risaaq ayaa sheegay in Magaalada
Baydhabo gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne
Yuusuf uu noqday mid labadii maalmood
mashquul fara badan galay, isla mar
ahaantaana ay soo gaarayaan qoraalada lagu
dalbanayo buuxinta Booskii uu ka baxay Cali
Geeddi oo 29-kii bishii la soo dhaafay is
casilay
La Taliyaha ayaa intaa ku daray in
Dhambaaladaasi ay yihiin kuwo xubin kasta ay
ku dalbanayso in iyada laga dhigo mas’uulkii
buuxin lahaa booskii uu baneeyey Ra'iisul
Wasaarihii Xukuumadda Kmg Soomaaliya Prof.
Cali Maxamed Geeddi.
Aqoonyahana iminka dalbanaya in ay noqdaan
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayaa
qaarkoodba ay haatan gaareen Magaalada
Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, halka qaar
kalena ay haatan boorsooyinkooda u sii xir
xiranayaan.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Col. Yuusuf
ayaa sidoo kale Magaalada Baydhabo ka wada
wadatashiyo hoosaadyo uu la yeelanayo
xubnaha labada Gole, si uu ugala xaajoodo
mas’uulka ku haboon xilka Ra'iisul
Wasaaranimo, waxaana arintan ay kusoo
beegmaysaa xilli Dowladda Maraykanka ay ugu
baaqday Madaxweyne Yuusuf, inuusan ku deg
deign magacaabista Ra'iisul Wasaare cusub oo
jagadaasi lagu badalo xubin ka mid ah
garabyada mucaaradka ee ka dagaalamaya
Magaalada Muqdisho. |