Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Labaatameeyo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku maashowday Xeebta Gobalka Abyan ee Dalka Yeman.

 

02/11/2008 - Labaatameeyo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku qaraqantay Xeebta Gobalka Abyan ee dalka Yeman, 75-kalena wey ka badbaadeen, kadib, markii ay doonidii la socdeen ku degtay Xeebaha duufaano dhacayey awgeed.

Hadal ka soo baxay Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Abyan ee dalka Yeman, ayaa waxay sheegayaan inay 23-Barakacayaal Soomaali ah geeriyoodeen,, halka 75-kale oo ay 15 ka mid haween ahaayeen ka badbaadeen doonidii ay la socdeen oo ay dabaylo xooggan ku kaceen, xilli ay ku soo dhow yihiin Xeebaha Gobalka Abyan.

Mas'uul u hadlay Website-ka Al-mu'tamar.net ee ka soo baxa dalka Yeman, ayaa sheegay in duufaan xoog badan iyo mowjadaha badda oo sare u kacay ay sababtay inay qalibantay doonidii ay la socdeen 98-Tahriibayaal Soomaali ahaa, waxaana masiibadaasi ku maashowday 23-qof oo ay ku jireen carruur iyo haween.

Kalluumeysato Yemaniyiin ah oo ku sugnaa Xeebta Hoomat ee Gobalka Abyan ayaa u gurmaday doonida ku rogantay badda, waxayna soo badbaadiyeen 75 ka mid ah dadkii ka samatabaxay doonidaasi qalibantay.
Waraka waxay sheegayaan in Tahriibayaasha la badbaadiyey ay gacan ka heleen Hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn "MSF" oo u keentay Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Ambalaasta, waxaana Tahriibayaasha loo gudbiyey Xerooyinka lagu hayo dadka Qaxootiga Tahriibayaasha ah.

Ma aha markii ugu horreysay oo dad Tahriibayaal ay ku naf waayaan Tahriib-badeedka ay ugu soo kicitamayaan Xeebaha dalka Yeman, iyadoo ku dhawaad 100-Tahriibayaal Soomaali ah ay ku naf waayeen Xeebta Gacanka Cadmeed ee dalka Yeman bishii Okt. Ee la soo dhaafay, kadib, markii ay Badmaaxiinta waday Tahriibayaasha ay si khasab ah ugu daadiyeen Doonyihii ay la socdeen.

Tahriibayaasha Soomaalida ee sannaadkan oo keliya ku geeriyootay safar-baddeedka sharci-darradda ee ay ku soo tiigsanayaan Xeebaha dalka Yeman, waxay gaarayaan ilaa 365-qof, sida ay shaacisay Hay'adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga "UNHCR".

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture