|
01/11/2008
- Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti Shiikh
Shariif Shiikh Axmed oo kadib markii uu
maanta gaaray Magaalada Jowhar shir jaraa’id
ku qabtay Magaaladaas ayaa wuxuu sheegay in
heshiiskii Jibouti ay ku gaareen Dowladda
Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uu
keenay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan
Soomaaliya.
“Heshiiskii Jibouti Annaga oo aan dhihin waa
xun yahay iyo waa fiican yahay waxaan qabaa
in uu keenay in ay Ciidamada Itoobiya ka
baxayaan Soomaaliya” ayuu yiri Shiikh
Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in
marxaladda haatan lagu jiro aysan ahayn mid
dagaal, isla markaana ay tahay mid nabadeed
oo la doonayo in lagu badbaadiyo Shacabka
Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
“Haddii aan u dagaallameynay in ay Ciidamada
Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, hadda
taasi waan gaarnay, waxaana loo baahan yahay
hadda kadib in la wada hadlo oo laga
shaqeeyo sidii ay dadka Soomaaliyeed u
heshiin lahaayeen oo aayahooda uga tashan
lahaayeen”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh
Axmed oo sheegay in ay la kulmayaan
hoggaanka Muqaawamada ee ku sugan gudaha
Soomaaliya.
Shiikh Shariif oo sii hadlayay waxaa uu
intaas ku daray in qalabka warbaahinta la
isu mariyay hadallo aan wanaagsaneyn,
wuxuuna soo dhaweeyay in wax kasta laga wada
hadlo, isla markaana mad-madowga jira xal
laga gaaro.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Shariif Shiikh
Axmed, waxaa uu sheegay in ay soo
dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in wada
hadal xal lagu gaaro, isla markaana la
badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay
dagaallada iyo abaaraha soo daashadeen. |