Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Daba-geed oo dib u helay Xorriyaddiisa, kadib, markii ay Ciiddamadda Ethiopianka ku xireen Xabsi ku yaalla Degmadda Feerfeer.

 

01/11/2008 - Wararka naga soo gaarayo ilo-wareedyo ku kala sugan magaallooyinka Beled-weyne iyo Feerfeer, waxay sheegayaan inay Ciiddamadda Ethiopianka sii daayeen Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar "Daba-geed", kaasi oo la sheegay in lagu xiray Degmadda Feerfeer ee xadka ku taalla.

Xubno ku dhowdhow Yuusuf Daba-geed, ayaa sheegay inay Ciiddamadda Ethiopianka sii daayeen Mas\'uulkaasi, oo isagu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku sugnaa gudaha dalka Ethiopia.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo xiray Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Hiiraan, inkastoo ay warar aan ka soo xiganay xubno ehel la ah ay sheegeen inay Ciiddamadda Ethiopianka xireen Mas'uulkaasi, kadib, markii uu ka biyo-diiday inuu soo wareejiyo Gaari Tekniko ah oo ilaalo u ahaa.
Mas'uuliyiinta la socota Yuusuf Daba-geed ayaa la sheegay inay ka walaaceen sida loola dhaqmay Yuusuf Daba-geed oo la sheegay inuu waayadanba xanuunsanaa.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax war ah oo Saraakiisha Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan Degmadda Feerfeer ka soo saareen xarigiisa iyo sii-dayntiisa intaba.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture